Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland oo ku dhawaaqday wakhtiga la dhisaayo golaha Degaanka Degmada Baargaal iyadoo heerka derejada oo ahaa B hoos ugu celisay derejada C

Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland oo ku dhawaaqday wakhtiga la dhisaayo golaha Degaanka Degmada Baargaal iyadoo heerka derejada oo ahaa B hoos ugu celisay derejada C

Wasaarada Arrimaha Gudaha Federal ka iyo Dimuqradiyeynta Dawlad Goboleedka Puntland ayaa wareegto ay soo saartay  ku sheegtay  wakhtiga la dhisaayo golayaasha deegaanka 7 degmo oo ka mid ah degmooyinka Puntland.

Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland oo Degmada Baargaal hoos ugu  dhigtay degmo derejadeedu tahay  Heerka C ee Heerarka Degmooyinka , halka ay horay u ahayd Degmo Heerkeedu ahaa  B ayadoo meel la dhigtay degmooyinka Gumbax , Xarfo , Ufayn  oo ka kala tirsan gobolada Gardafuu bari iyo Mudug

wasaarada ayaa wareegtadeeda ku sheegtay in wakhtiga la dhisayo golaha deegaanka Degmada Baargaal uu yahay 11 bisha september 2019 

ugu danbayntii wasaarada ayaa ku wargalisay dhamaan masuuliyiinta Degmooyinkaas in taariikhda ku xusan jadwalkan hoose ay tahay taariikhda rasmiga ah ee ay wasaaradu dhisayso golayaasha deegaanka degmooyinkaas iyadoo ugu baaqday waqtigaas 15 cesho ka hor degma walba nabadoonadeeda iyo waxgaradkeedu ku diyaariyaaan xubnaha kamid noqon doona golayaasha deegaanka ee la dhisayo insha alaah 





Developed by Jago Desain