XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay Guddiga Doorashooyinka Jubbaland, Maxaase keenay?


Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa sheegaya in uu khilaaf soo kala dhexgalay xubnaha guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan ee Jubbaland, ka dib markii ay isku qabteen liiska xubnaha baarlamaanka ee maamulkaas.

Xubnahan ayaa isku khilaafay habka go`aan ka gaarida xildhibaanada ay beeluhu soo gudbiyeen sidii loo kala xuli lahaa, waxaana xogaha aan helnay ay sheegayaan in Gudoomiye kuxigeenkii guddigan uu ka baxay guddigan.

Gudoomiye kuxigeenka ayaa sameeyey ficilo uu ku cadeynayo in guddigu aysan isku raacsaneyn xataa warqad loo diray Beesha Caalamka, taas oo ujeedeedu ahayd in guddigan ay ku shaqeynayaan dastuurka iyo hab raaca Jubbaland

Liiska xildhibaanada ayaa lafilayaa in uu soo baxo saacadaha nagu soo aadan, sidda ay sheegayaan wararka la helayo, waxaana dhinacyada arrimahan hada soo baxay ay keeni karaan walaac hor leh, maadaama xubinta guddiga ka baxday ay tahay mid u baahan in la bedelo.

Warar hoose ayaa sheegaya in gudoomiye kuxigeenka guddigan uu heshiis hoose lahaa qaar kamid ah musharaxiinta  balse uu arkay in aan waxba kasoo baxeyn mudanayaasha baarlamaan ee kooxahaasi ay wateen oo liisaska oo dhan ka baxay.
Developed by Jago Desain