BURCAD-BADEEDDA SOOMAALIDA OO AFAR SANO KADIB SII DAAYAY BADMAAXE U DHASHAY IRAN


Burcad-badeedda Soomaalida ayaa sii daayay badmaaxe u dhashay dalka Iran, kaasoo muddo ka badan afar sano lagu haystay xeebaha Puntland.

Mohammad Sharif Panahandeh oo xaaladiisa caafimaad laga deyrinayay, ayaa loo sii daayay sababo bini’aadannimo awgeed, ayaa lagu yidhi, war kasoo baxay kooxda Iskaashiga Taageerada La-haystayaasha (HSP).

Kooxdaan ayaa wada xaajood toos ah la sameysay Burcad-badeedda . balse lama sheegin in wax madax furasho ah laga qaatay sii dayntiisa.

Sii daynta Mr Sharif waxay la macno tahay in gacanta burcad-badeedda ay ku hartay 3 layste oo kale oo u dhashay Iran, kuwaas oo la afduubtay sanadkii 2015, bishii March.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, kumanaan shaqaale ah ayaa laga afduubay xeebaha Soomaaliya waxaana lagusii daayay madax furasho.

Iiraan ayaa u mahad celisay kooxda taageerta la haystayaasha ee HSP, Qaramada midoobay, dowladda Puntland iyo dowladda Ethiopia, kuwaas oo gacanta ka geystay sii daynta badmaaxahan u dhashay dalkeeda
Developed by Jago Desain