Itoobiya oo ku gacan-sayrtay CODSI uga yimid #MASAR

WARARKA SOOMAALIYA CAYAARAHA NEWS IN ENGLISH MAQAALLADA ARRIMAHA BULSHADA Itoobiya oo ku gacan-sayrtay CODSI uga yimid MASAR

Dowladda Itoobiya ayaa ku gacan-sayrtay qorshe ay usoo jeedisay dhigeeda Masar oo ah qaabka uu u shaqeynayo biyo xireenka Itoobiya ay ka dhiseyso webiga Nile gaar ahaan xadka Suudaan.

Masar oo ku tiirsan webiga Nile, ayaa ka walaacsan in biyo xireenka Itoobiya u horseedi karo gabaabsi ku yimaada biyaha iyo waraabka.

Wasiiraka biyaha Itoobiya, Seleshi Bekele ayaa sheegay ” In Masar ay dooneyso ka faa’iideysiga biyo xireenka taasina aysan aqbali doonin.”

“Waxaa uu qorshaheenu yahay in biyo xireenka aan buuxinno xilli roobaadka soo socda, waxaan bilaabeynaa in aan ka dhalinno korontada bisha Diseembar ee sannadka 2020-ka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka biyaha ee Itoobiya.


Dhamays-tirka dhismaha biyo xireenka Itoobiya ayaa hadda ku dhaw in la dhameystiro.
Developed by Jago Desain