Itoobiya Oo Shaacisay Dib U Dhac ku Yimid Dayax-gacmeed ay Bishan Hawada U Diri Lahayd.

Itoobiya Oo Shaacisay Dib U Dhac ku Yimid Dayax-gacmeed ay Bishan Hawada U Diri Lahayd.

Machadka Hawada sare, ee Saayniska iyo Teknooloojiyadd Itoobiya ayaa shaaciyay dibu dhac ku yimid Dayax-gacmeedkii hawada sare looga diri lahaa dabayaaqada bishan.

Agaasimaha guud ee machadkaasi Dr Solomon Balay ayaa sheegay in Dayax-gacmeedka Itoobiya uu yahay nooca dhulka meera ee loo yaqaanno (Earth Observation Satellite),waxuuna dib u dhaca ku yimid dayaxgacmeedkan ku sababeeyay inay hajiyeen roobab ma hiigaan ah oo ka da’aya xaruunta tijaabada ugu horreysay lagu sameyn lahaa ee ku taallo dalka Shiinaha.

“Dhismaha iyo sameynta dayax gacmeedka waa la dhammeystiray balse inta aan tijaabada ugu horreysa lagu sameyn ayuu dibu dhac ku yimid waxaana la rajeeynayaa in Dayax-gacmeedkaasi hawada sare loo diro bisha December ee sanadkan 2019” ayuu yiri Dr Solomon Belay.

Dayax-gacmeedkan ugu horreeya ee ay Itoobiya hawada sare u direyso oo miisaankeedu yahay 70 kiilo waxaa loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka, kaasoo Itoobiya awood u siinaya in 54 maalmood ay dunida oo dhan ku soo wareegto, halka uu dalkeeda kaga soo wareegi karo 4 maalmood.

Sikastaba ha ahaatee Itoobiya ayaa ka mid noqoneysa 7-da dal ee qaaraddan Afrika ee leh dayax-gacmeed iyaga u gaar ah, waxaa horay dayax gacmeedyo hawada sare u diray waddamada Masar, Koonfur Africa, Nayjeeriya, Ghana, Angola iyo Kenya.
Developed by Jago Desain