Madaxweyne Deni oo guddi dabagal u magacaabay maalgashiga Puntland

Madaxweynaha goboleedka Puntlan

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntlan dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddi u magacaabay dabagalka hirgelinta fursadaha maalgeshi iyo shirkadaha maalgashi ee Puntland

Guddigan oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha wasiirrada Puntland, ayaa waxa uu madaxweynuhu faray in ay kala shaqeeyaan Shirkadaha maalgashi iyo kuwa balanqaadyada la galay Puntaland

Afhayeenka madaxtooyada puntland Jaamac Yuusuf Jaamac ( Jaamac Depraani) ayaa ka warbixiyay in xubnaha wasiirrada ah ee oo uu magacaabay Madaxweyne Siciid Deni, waxana uu sheegay in hadafka loo magacaabay ay tahay in ay fududeeyaan fursadaha maalgeshi ee ka jira Puntland

Waxa uu sheegay Afhayeenku, in shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen Shirkado heer caalami ah iyo qaar kale oo horay ugu sugnaa Soomaaliya, uu saameyn iyo ahmiyad gaar ah u lahaa Puntland iyo gebi ahaanba Soomaaliya, isagoo sheegay in uu guul kusoo dhaammaaday

Shalay ayay ahayd markii wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ay gaareen magaalada Garacad ee gobolka mudug, waxaana ku wehliyay safarka madaxweynaha Shirkadihii ka qayb galay shirka maalgeshiga ee todobaadkan ay martigelisay Puntland si ay usoo qiimeeyaan fursadaha maalgeshi ee ka banaan magaalo xeebeedka Garacad
Developed by Jago Desain