Maxay tahay abaalmarinta la guddoon siiyay Madaxwayne Farmaajo?

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa la guddoon siiyay Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Hoggaaminta Suubban ee Concordia. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa abaalmarintan la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki, waxayna ku muteysteen kaalintii ay saddexda hoggaamiye ka qaateen nabadaynta iyo is dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay abaalmarinta hogaamineed ee Concordia 2019, wuxuuna si gaar ah hoggaanka Concordia uga mahadceliyay inay aqoonsadeen dadaalka joogtada ah ee ay madaxda Geeska Afrika ugu jiraan sidii gobolka nabad loogu soo dabbaali lahaa. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kan Eritrea, Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sanadkii hore heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea. Heshiiskaas ayaa lagu qeexay in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar. Hogaamiyaasha Soomaaliya ,Eritrea iyo Itoobiya ayaa sidoo kale dhowr jeer oo kale yeeshay kulamo kala duwan.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa la guddoon siiyay Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Hoggaaminta Suubban ee Concordia

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa abaalmarintan la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki, waxayna ku muteysteen kaalintii ay saddexda hoggaamiye ka qaateen nabadaynta iyo is dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay abaalmarinta hogaamineed ee Concordia 2019, wuxuuna si gaar ah hoggaanka Concordia uga mahadceliyay inay aqoonsadeen dadaalka joogtada ah ee ay madaxda Geeska Afrika ugu jiraan sidii gobolka nabad loogu soo dabbaali lahaa.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kan Eritrea, Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sanadkii hore heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.

Heshiiskaas ayaa lagu qeexay in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.

Hogaamiyaasha Soomaaliya ,Eritrea iyo Itoobiya ayaa sidoo kale dhowr jeer oo kale yeeshay kulamo kala duwan.

Developed by Jago Desain