Muuse Biixi Oo ka Noqday Saldhigii Ciidamada Imaaraadka Ee Berbera.(Sawiro)

Madaxwayne Biixi Oo ka Noqday Saldhigii Ciidamada Imaaraadka Ee Berbera.(Sawiro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray mashaariic horumarineed oo laga wado gudaha dekedda weyn ee magaalada Berbera, isagoo dhagax-dhigay mashaariic isugu jira ceel-biyoodyo, dhismeyaal cusub oo loo dhisi doono Shaybaarka qaranka iyo haamo cusub oo ay yeelan doonaan keydka haamaha shidaalka ee magaalada Berbera.
Madaxweynaha iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ayaa ugu horrayn kormeeray dekedda weyn ee magaalada Berbera, waxana uu madaxweynuhu indho indheeyey mashaariic waaweyn oo ay shirkadda dekedda gacanta ku haysa ee DP World ka hirgelisay gudaha dekedda iyo agab casri ah oo ay keentay, waxana uu warbixin ka dhegaystay maareeyaha dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo ku dheeraaday horumarka ay dekeddu ku tallaabsatay.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maamulka degmada Berbera iyo odayaasha reer Berbera-ba ku bogaadiyey sida ay xilka iskaga saaraan ilaalinta nabadda iyo joogtaynta horumarka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri, “Horumarku waxa uu ku yimaaddaa nabadda, intaynnu nabadda xoojinno ee khilaafaadka yaraynno ayuu horumarkeennuna kordhayaa, meel la isku khilaafsan yahayna horumar laguma gaadho, maamulka Berbera iyo odayaashiisaba waxaan ku bogaadinayaa inay nabadda aad u xoojiyeen beryahan dambe, waana tusaale wanaagsan.”
Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay dhinaca kale sheegay inay ka laabteen heshiiskii garoonka diyaaradaha Berbera lagaga dhigayay saldhig millateri oo Imaaraadka Carabtu leeyahay.
Waxaa uu sheegay in qorshahan uu yimid wadatashi dheer ka dib, isla markaana Somaliland ay ka baxday heshiiskii dowladda Imaaraadka Carabta ee saldhigga Berbera.
Madaxweynaha oo ku sugan Berbera waxaa sheegay in Garoonku ahaan doono mid shacab oo weliba noqon doono kuwa ugu waaweyn Afrika.
“Garoonkii Berbera ee in badan laga murmaayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Developed by Jago Desain