Ads Top

Sawaxiliyiintii Oo La Fajacsan Sida Farmaajo Uga Adkaaday Siyaasadda Uhuru


Warbaahinta Kenya ayaa hadal heysa go,aankii madaxweynaha dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, uu gaashaanka ugu daruuray baaq ka soo baxay madaxweynaha dalkaasi oo ahaa in wadahadal lagu xaliyo qilaafka ka dhashay sheegashada Kenya ee qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.
Jaraa,idka Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa ciwaan uga dhigay in Uhuru uu ku fashilmay dadaalada uu ugu jiray in wada-xaajood ah uu u xaliyo qilaafka dhanka Badda oo labada dal u dhaxeeyay kaasi oo xoogeestay bishii Febraayo Sanadkaan.
Dhanka kale shacabka dalkaasi ayaa qaarkood sheegay in fashil ay wajaheyso dowlada Jubulee.
Uhuru Kenyatta oo horay howshaan ugu igmaday wasiirada arimaha dibada ms Monica Juma ayaa waxay ku guul dareysatay taasi oo keentay in mugdi uu soo galo kalsoonida uu ka qabo shaqada Haweeneydaasi.
Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maalintii khamiista ee todobaadkii hore sheegay in Soomaaliya ay kaliya aqbaleyso in Kenya ay ku kala baxaan maxkamada Cadaalada ICJ ee fadhigeedu yahay dalka Holand.