Sawiro : wasaarada haweenka puntland oo ku qabatay degmada Baargaal shir looga hadlayo ka qaybgalka haweenka ee horumarinta Degmada

Sawiro : wasaarada haweenka puntland oo ku qabay degmada Baargaal shir looga hadlaayo ka qaybkalka haweenka ee horumarinta Degmada

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee dowladda Puntland ayaa kulan ay isugu keentay odayaal dhaqameedka, Dhalinyarada iyo Haweenka ku nool degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu waxa ay ku qabatay xarunta hooyooyinka ee isla degmada Baargaal.

kulanka  oo  ujeedkiisu ahaa sidii la isu soo hor fariisin lahaa odayaal dhaqameedka iyo gabdhaha haldoorka ah ee ku dhaqan degmada Baargaal si ay cuqaasha uga dhaadhiciyaan muhiimada ay uleedahay bulshada reer Baargaal in haweenka laga qayb galiyo hurumarinta degmada iyo hoggaaminteeda 

Shirkaas ayaa waxa uu kusoo dhammaaday is afgarad iyo in odayaasha dhaqanka ee degmada Baargaal ay ogolaadeen mudnaanta koowaad in la siiyo gabdhaha ayna xaq uleeyihiin inay qaybta ugu wayn ka qaataan horumarka bulshadooda.













Developed by Jago Desain