Soomaaliya oo guulo ka soo hoysay Shirweyniha Isgaarsiinta Adduunka

Soomaaliya oo guulo ka soo hoysay Shirweyniha Isgaarsiinta Adduunka

Budapest, Sebtembar 13, 2019) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka soo hoysay Shirweynaha Isgaarsiinta Adduunka ee ka socday caasimadda dalka Hungary ee Budapest.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii uu shirka socday waxay shirar-doceedyo kala duwan la yeesheen dalal iyo hay’ado caalami ah oo ay kala hadleen sidii loo sii horumarin lahaa isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena.

Kulankii ugu horreeyay ayay wasiirka iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta, Md. Cabdi Sheekh, waxay la yeesheen Xoghayaha Guud ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU), Houlin Zhao iyo ku-xigeenkiisa arrimaha Horumarinta, Ms. Doreen Bogdan-Martin, iyagoo ka wada hadlay sidii loo qiimeyn lahaa waxyaabihii ka qabsoomay Qaraarka 160 ee u gaarka ah taageerada Soomaaliya ee dhammaadkii sanadkii hore lagu ansixiyay Shirweynaha ITU.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyay kaalintii ITU ay ka geysatay diyaarinta Siyaasadda & Istaraatiijiyada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Qaranka, Tababarkii ugu horreeyay ee ay ITU ku qabatay Soomaaliya 30 sano kadib, iyo qorshayaasha kale ee haatan ay ka wada shaqeynayaan Wasaaradda iyo ITU.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmay wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo teknolojiyada dalka Shiinaha, Mr. Zhaoxiong Chen, iyo wafdi uu hoggaaminayay, iyagoo kala hadlay sidii dalka Shiinuhu gacan uga geysan lahaa dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan horumarinta teknolojiyada, sida kaabayaasha isgaarsiinta ee ay dawladuhu maalgeliyaan, aqoonta teknolojiyada ee dhallinyaradeena iyada oo loo sii marayo Machadka Isgaarsiinta Qaranka, iyo sidii shirkadaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada labada dal ay u yeelan lahaayeen xiriir wada-shaqeyn oo ballaaran.

Dhinaca kale ITU ayaa si weyn u ammaantay guulaha ay Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafay ka gaartay dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada, gaar ahaan kaalinta dawladda ee dhinacyada sharciyada iyo siyaasadaha furfurnaanta, iyagoo xusay in wixii ka dambeeyay 2017 in Soomaaliya ay noqotay dalka 2aad ee ku yaalla Geeska Afrika ee leh sharci isgaarsiineed, Hay’ad isgaarsiineed iyo siyaasad qaran oo dhinaca teknolojiyada, iyadoo sidoo kale la kordhiyay wada-shaqeyntii kala dhexeysay dalka dhinaca ITU ka dib markii la soo celiyay xubinnimada muddo 30 sano kadib. ITU waxay si gaar ah u xustay in Wasiir Cashuur uu noqonayo wasiirkii ugu horreeyay ee muddo 3 sano ah oo isku xigta ka soo qeyb gala shirweynahan tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday saaxada ITU 1991-kii, taas oo sahashay in la sii joogteeyo guulaha ay Wasaaraddu ka gaareyso arrimaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha,
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada
Developed by Jago Desain