Soomaaliya Oo ka Mid Noqotay Guddi Caalami ah ISA.(Sawiro)

Soomaaliya Oo ka Mid Noqotay Guddi Caalami ah ISA.(Sawiro)

Danjiraha cusub ee Soomaaliya ayaa ka qayb gashay shirka hay’adda caalamiga ah ee Solarka aduunka ee ISA kadib shirkaasi waxaa Soomaaliya ku guulastay kursiga gudoomiye ku xigeenka gudigga sharciga hay’adda caalamiga ah ee Solar aduunka waxaana hadda gudoomiye ka ah gudiigan sharciga dalka Australi .

Kullan guud oo ay yesheen Agaasimaha guud ee hay’adda ISA Upendra Triphty iyo Safiirka Soomaaliya ee India Marwo fadumo Cabdullaahi ayaa waxa looga wada hadlay sida looga fa’iideysankaro Tamarta cadceedda Soomaaliya.

Hay’adda ISA ayaa sheegtay in Soomaaliya ka sameyn doonto Mashruuc looga faa’iidaysanayo keydla qoroxda ka dibna loo badalo hab Koronta ah iyo Tababaro loo sameynayo dhalinyaro Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Madaxda Hay’adda ISA ayaa kullan laqaatay Safiiradda Caalamka oo Shirkaas ka qeyb galay iyaga oo arrimo badan kawada hadlay.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhida dalka Hindiya Marwo Faduma Cabdullahi Maxamuud ayaa dhawaanahan waday boqoshooyin ay ku tagesay xarumaha Dowladda India hay’addaha caalamiga ah ee dagan dalkaas iyo safaradaha ay Soomaaliya xariirka dhaw leyihiin sida kuwa Africa, Carabta iyo Dowladaha kale ee caalamka






Developed by Jago Desain