Taalibaan Oo Ka Dagtay Ruushka Kabib Markii Uu Trump Ka Xidhay Albaabada.

Taalibaan Oo Ka Dagtay Ruushka Kabib Markii Uu Trump Ka Xidhay Albaabada.


Wafdi ka socda Taliban gaadhay caasimada Ruushaka ee Moscow, kuwaas oo wada hadal la yeelan doona masuuliyiinta Ruushka maalmo ka dib markii Donald Trump uu ku dhawaaqay inuu ka baxay wadahadallo nabadeed oo mudo bilo ah qaatay oo ka dhexeeyey Washington iyo kooxda Taliban
Afhayeenka Taliban ee fadhigiisu yahay Qatar Suhail Shaheen ayaa xaqiijiyay kulanka ka dhacay caasimada Ruushka jimcihii, isagoo sheegay in waftiga Taliban ay wada hadal la yeesheen Ergega Ruusha ee Afghanistan Zamir Kabulov.
Kulankan intii uu socday waxa uu Ruushku carabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in dib loo bilaabo wada hadaladii u dhaxeeyay Mareykanka iyo Taliban, iyadoo wafdiga ka socday Taliban-na ay cadeeyeen inay diyaar u yihiin in wadahadaladaas mar kale la sii amba qaado, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada ee Ruusha oo aan magaciisa la xusin
Wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Taliban ayaa ka biloowday bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay Qadar, iyadoo ujeedku ahaa in la soo afjaro dagaalka 18 sano ka socday Afghanistan. Kadib sagaal wareeg oo wadahadal ah oo ka dhacay Doxa, ka hor inta Axadi la soo dhaafay uu Trump ku dhawaaqay in wada hadaladaas ay fashilmeen.



Developed by Jago Desain