Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Maanta Si diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Baargaal (Sawiro)

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Maanta Si diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Baargaal (Sawiro)

Waxaa maanta si diiran oo Farxad iyo rayn rayn ku jirto loogu soo dhaweeyey magaalada Baargaal ee gobolka Gardafuu wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Puntland mudane Mudane  Faarax Maxamuud Cawaash uuna kamid yahay xildhibaan C/laahi Yuusuf Muuse oo kamid ah Xildhibaanada Barlamaanka Puntland iyo masuuliyiin kale

wasiirka iyo wafdigiisa oo soo gaaray magaalada Baargaal saacadu markay ahayd 2:30 PM ayaa waxaa halkaasi siweyn ugu soo dhaweeyay Isuduwaha wasaarada arimaha Gudaha ee gobolka Gardafuu mudane C/qaadir Maxamed Jaamac iyo sidoo kale Mas'uuliyiinta ugu saraysa Maamulka Degmada oo uu Hormuud u yahay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane Abuukar Axmed Yuusuf ,Odoyaasha Dhaqanka, waxgaradka, ururada bulshada iyo dadwayne aad u farabadan oo uga hortagay wasiirka iyo wafdigiisa meel ka baxsan magaalada ayagoo ruxaaya calanka Puntland , Sawirada wasiirka iyo xildhibaanka , caleemo qoyan iyo boorar ay ku qoran yihiin ereyo lagu soo dhawaynaayo wafdiga wasiirka.


wasiirka iyo Xildhibaanka ayaa ka soo degay gawaaridii ay saarnaayeen ayagoo salaan iyo marxabayn la qaatay bulshadii iyo waxgaradkii kaga hortagay magaalada banaankeeda

isuduwaha wasaarada arimaha gudaha ee gobolka gardafuu Mudane C/qaadir caato  oo horkacayay masuuliyiintii soo dhawaysay wafdiga ayaa marka hore sheegay inay si kal iyo lab ah ugu soo dhawaynaayaan wasiirka iyo xildhibaana guud ahaan Gobolka gardafuu gaar ahaan Magaalada baargaal oo uu maantay soo gaaray.

isuduwaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri : 
" waxaan jecelnahay wixii waxqabad ah oo ay u baahantahay degmada Baargaal oo ay ugu horayso dhisida Golaha deegaanka aan turxaan bixino kadibna aan ugu yeerno wasaardii shaqada ku lahayd e arimaha gudaha 
intaas kabacdi waxaa hadlay xildhibaan c/laahi yuusuf muuse oo sheegay inay gudanaayaan waajib kamid ah waajibaadkoodii , asgoo sheegay inay Baargaal ka mid tahay magaalooyinka ay sida gaar ah u matalaan waxaan waajib nagu ah inaan dadkeeda u tagno tabashooyinkooda dhagaysano kadibna aan xukuumada u gayno 

ugu danbayntii waxaa hadalka qabsaday wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland Muddane Faarax Cawaash oo yiri
" waxaad muujiseen inay baargaal tahay balad xadaarad iyo ilbaxnimo taal, Baargaal inay tahay Balad beero iyo beeyo caan ku ah , Baargaal inay tahay hooygii boqorka iyo beeldaajuhuba degenaayeen , Baargaal inay tahay meel bulshada Barbaarisa oo Korisa  bulsho isku duubana ay  joogto"

wafdigan ayaa hordhac u ah wafdi kale oo ballaran oo ka socda oo wada dhismaha golayaasha degmooyinka Puntland ayagoo la filaayo inay degmada Soo gaaran todobaadka danbe 

Dhinaca KAle wasiirka kaluumaysiga & khayraadka badda Puntland ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Baargaal wuxuu dhisi doona oo doorasho u qaban doonaa haduu eebe idmoo Iskaashatada Degmada baargaal oo u dhisi doono maamul iyo hogaan cusub 
 




















SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain