Kalluumaysatada Xeebaha gobolka Gardafuu oo ka cabanaya maraakiib jariif xoogan ka wada xeebahooda baaq culusna u diray madaxwaynaha Puntland siciid C/laahi Deni

Kalluumaysatada Xeebaha gobolka Gardafuu oo ka cabanaya maraakiib jariif xoogan ka wada xeebahooda baaq culusna u diray madaxwaynaha Puntland siciid C/laahi Deni



Kalluumaysatada maxaliga ee Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ayaa Cabasho xoogan Kamuujiyay maalmahan Maraakiib Jariif ah oo Kaluumaysatada Deegaanka Dhibaato xoogan kuhaya 

maraakiibtaas jariifka ah ayaa soo dhaafay xadkii ay horay u joogi jireen ayagoo maamlman u soo gudbay  meeilihii dadka kalluumaysatada ay shabaagaha dhigan jireen oo ka quusi jireen  waxayna  ka burburiyeen kana jiiteen shabaagihii  iyo jilbihii iyo agabkii  kale ay kaluumaysato dhigteen xeebaha 


Yuusuf Salaad C/raxmaan oo kamid ah horjoogayaasha kaluumaysatada Maxaliga ah oo warbaahinta La hadlay ayaa Sheegay in bulshada kunool magaalada Baargaal iyo soonaheeda iyo guud ahaan gobolka Gardafuu inay ka cabanayaan kana caraysan yihiin  jariifka oo xaalufin ba’an ku haya deegaanka  kana soo gudbay xadkii loogu talogalay oo u soo gudbay meelihii kalluumaysatada maxaliga ah ay ka jilaaban jireen, wuxuuna intaasi ku daray 


“Marka waxaan u sheegaynaa oo ka codsanaynaa dowladda iyo cidii waraaqaha soo sii-say waliba gaar ahaan wasaaradda kalluumaysiga in ay la hadasho dadkii ay wax siisay oo ay tiraahdo ka durka meelaha kalluumaysatada maxaliga ah ay ka jilaabtaan.” 

ugu danbeentii wuxuu  maamulka Puntland oo uu madaxwaynaha ka yahay siciid c/laahi denni  iyo dawlada fedraalka iyo caalamkaba  u sheegay inay ka Codsanaayaan in arinkaan Si Deg deg ah Wax looga qabto. 

Maraakiibtaan Jariifka ah ayaa haatan Ku sugan Meel aad ugu Dhow Xeebta Magaalada ayadoo ifka Kabaxaaya uu kaahiyo Magaalada iyo sidoo kale khatar galiyay quusayaasha maxaliga ah oo qaarkood mari gaareen 







Developed by Jago Desain