Madaxwayne Cabdiweli Gaas oo balan-qaaday Buug cusub oo ka hadlayo Ayaamihi uu xukumayay Puntland

Cabdiweli Gaas oo balan-qaaday Buug cusub oo ka hadlaya Ayaamihi uu xukumayay Puntland

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa shaaciyay inuu soo wado buug cusub oo uu kaga warami doono dhacdooyinkii uu la kulmay waqtigii uu ahaa madaxweynaha Puntland

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay buuggaan inuu si gaar ah ugu muujin doono dhacdooyin uu tilmaamay in ay ka qorsoonaayeen indhaha dadka reer Puntland, laakiin wuxuu iska fogeeyay inuu ka hadli doono beelo, shakhsiyaad ama gobol.

Mar la weydiiyay sababaha uu u qoray buuggiisa ugu dambeeyay, ayuu kaga jawaabay, “Dadka kugu waqtiga ah ama aad madaxda u tahay wax badan uma sheegi jirtay, gaar ahaan waxyaabaha ka dhacaya miiska gadaashiisa.

Gaas, ayaa ugu baaqay dadkii horey u dhibsaday waxyaabaha ku jira buugga uu dhawaan soo bandhigay, inay ka hadlaan, haddii uu khalad jirana, wuxuu sheegay inuu sixi doono.

Buugga madaxweyne Gaas uu ka qoray caqabadihii kala guurka Soomaaliya iyo safar uu ku tagay Puntland sanadkii 2012, ayaa waxaa kasoo muuqday sheekooyin xasaasi ah oo dhex maray isaga iyo siyaasiyiin badan oo qaarkood madaxweynayaal noqday.
Developed by Jago Desain