Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Wasiiro Cusub

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Wasiiro Cusub

Madaxwaynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr Siciid C/laahi Deni  ayaa soo saaray Wareegto kutaariikhaysan 21 october 2019 oo  lagu magacaabay Wasiiru dowleyaal iyo wasiiro ku xigeeno cusub oo kala ah:


Wasiiru-Dowleyaal:

1-Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) waxaa magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

2-Maxamed Xasan Ciise waxaa loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha.

3-Axmed Shire Siciid Waxaa loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

4-Fardowso Cismaan Cigaal Waxaa loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.



Wasiir Ku-xigeeno :

1-Cabdullaahi Cabdisalaan Waxaa Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

2-Bashiir Jaamac Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.


3-Cabdicasiis Maxamuud Macallin Waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.


4-Sucaad Saalax Nuur Waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada.
Developed by Jago Desain