Maxkamadda Darajada 1aad ee G Barri oo la horgeeyey Siyaasi Muuse Cali Jaamac

Maxkamadda Darajada 1aad ee G Barri oo la horgeeyey Siyaasi Muuse Cali Jaamac

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya Maxkamadda Darajada koobaad ee Gobolka Bari ayaa maanta la horgeeyay Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo Shalay Lagu xiray Magaalada Boosaso, ka dib markii uu qabtay shir jaraa’id.
Siyaasi Muuse Cali Jaamac ayaa lagu eedeeyey iyadoo dawladdu ku soo eedeysay inuu geystay “Aflagaado Maxkamadeed”, sidda ay sheegtay maxkamaddu.
Muuse Cali Jaamac ayaa dhawaan Warbaahinta u akhriyay warmurtiyeed ka soo baxay Odayaal iyo Waxgarad ku shiray Boosaso oo dhaliilay Xukuumadda Talada heysa ee Puntland iyo Khilaafka kala dhaxeeya Dowladda fedraalka ah.
Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in ay socdaan dadaalo kuwajahan sidii damaanad loogu sii deyn lahaa siyaasi Muuse Cali Jaamac, isagoo maxkamadda horteeda ka sheegay in uusan waxba dambi ah galin oo lasoo xiray uun sifo aan sharci aheyn.
Developed by Jago Desain