Meydka Nin Soomaali ah Oo Laga Helay Magaaladda Plauen Ee Jarmalka (Sawirro)

Meydka Nin Soomaali ah Oo Laga Helay Magaaladda Plauen Ee Jarmalka (Sawirro)

Maydka wiil 19 jir Soomaali ah ayaa xalay laga helay wado ku taala magaaladda Plauen ee gobolka Sachsen ee wadanka Jarmalka.

Booliska ayaa sheegay in wiilkan uu u dhintay dhaawacyo mindi ama tooray ah oo kasoo gaaray qaybta sare ee jirkiisa.

Wiil kale oo 19 jir Soomali ah ayaa lagu tuhunsan yahay inuu dilkaas geystay kaasoo Booliska magaaladaasi ay gacanta ku hayaan hadda, waxaana ku socda baaritaano.

Lama sheegin magacyadooda balse mid kamid ah Soomaalida magaaladaas ku nool ayaa sheegay inay labadda wiil ay saaxiibo ahaayeen, ayna la yaaban yihiin sababta keentay in midkood uu dilo kan kale.

Soomaalida u yaacday qurbaha ayaa dalkooda uga cararay dhibaatooyin iskugu jira kuwo nololeed iyo amni daro balse markii ay tageen Yurub iyo Maraykanka waxay qaarkood bilaabeen iney dhexdooda is dilaan.



Developed by Jago Desain