Sucuudiga Oo 24 Kun Oo Dalxiise Soo Dhaweeyay 10 Maalmood Gudahood.

Sucuudiga Oo 24 Kun Oo Dalxiise Soo Dhaweeyay 10 Maalmood Gudahood.


Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa soo dhoweysay 24,000 oo dalxiisayaal ah 10-kii maalmood ee la soo dhaafay kadib markii ay siisay fiisayaal dalxiis markii ugu horreysay, sida ay sheegtay warbaahinta dawladu Talaadadii.
“10 maalmood gudahood, ilaa 24,000 oo ajnabi ah ayaa soo galay Sacuudiga kuwaas oo la siiyay fiiso dalxiis,” telefishanka Sucuudiga ayaa sidan wariyey, isaga oo soo xiganaya wasaarada arimaha dibada ee Sucuudiga.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday 27-ka Sebtember inay dabcisay sharciyadii dhinaca dalxiiska waxana ay u ogolaatay inay siiso fiisayaal dalxiis dalalka ajinabiga h, halka markii u hore ay ahaayeen fiisayaashu kuwo loo ogolyahay dadka muslinka ah iyo shaqaalaha ajinabiga ah oo kaliya
Muwaadiniinta ka kala socota 49 dal ayaa hadda xaq u leh inay helaan fiisooyinka Sucuusiga waxana ka mid ah dalkan Mareykanka, Australia, dhowr waddan oo Yurub ah, Malaysia, Singapore, South Korea, China iyo Kazakhstan.
Developed by Jago Desain