Taaj Boqor Boqolaal Sano Jiray Oo Dib Loogu Celinayo Ethiopia-dii Laga Xaday.(Sawiro)

Taaj Boqor Boqolaal Sano Jiray Oo Dib Loogu Celinayo Ethiopia-dii Laga Xaday.(Sawiro)

Taaj Boqor oo qaali ah oo oo qarnigii 18aad lagu isticmaali jiray Ethiopia ayaa lagu wadaa in in laga soo celiyo dalka Holland oo lagu celiyo Addis Ababa, kadib markii mudo ku dhaw 21 sano uu dalka Ethiopia ka maqanaa


Taajkan oo ka samaysaysan naxaas, isla markaana ay ka muuqdaan Sawirada Masiix iyo sawiro kale oo 12 ah oo ay aaminsan yihiin Masiixiyiinta Ethiopia ayaa waxa helay Muwaadin Ethiopian ah oo oo lagu magacaabo Sirak Asfaw kadib markii qol uu daganaa uu kaga tagay qof taashkan soo xaday oo uu ku marti galiyay guri uu ku leeyahay magaalada Rotterdam ee dalka Holland.

Taajkan oo la aaminsan yahay inuu ka mid yahay labaatan Taaj oo noociisa ah oo dunida kaligood jira maanta ayaa loo malaynayaa in hadiyad a

y u siisay Kaniisada Masiixiga ee Ethiopia nin dagaal yahan ahaa oo la oran jiray Welde Sellase boqolaal sano ka hor.


Sirak Asfaw ayaa markii uu Taajka helay la xidhiidhay Matxafka Holland halkaas oo mudo lagu ilaalinayay, waxana uu sheegay in Taajkan oo astaan u yahay dhamaan dadka reer Ethiopia.


“Waxaan rabaa in taajkan uu noqdo astaan midnimo iyo wada jir, soo noqoshada Taajkana waxa u dabaaldagi doono dhamaan dadka reer Ethiopia iyo xitaa dadka kale ee African-ka ah” ayuu yiri Mr Sirak.



Developed by Jago Desain