Xildhibaano Soo Saaray Go’aan Ka Dhan Ah Madaxweynaha Puntland

Xildhibaano Soo Saaray Go’aan Ka Dhan Ah Madaxweynaha Puntland

Qaar kamid ah Xubnaha golaha Wakiilada Puntland oo Maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Garoowe ayaa waxaa Eedeyn kulul ugu jeediyeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa ay sheegeen in xilligaan ay ka walaacsan yihiin halka loo wado Puntland oo laga weeciyey u jeedadiisa loo dhisay,isla markaana hoggaanka Puntland ay gacanta u gelinayaan dalal Shisheeye.

Qaar kamid ah Xildhibaannada ayaa waxaa ay sheegeen in dadka reer Puntland ay yihiin dad dowladnimada Jecel,hayeeshee Xukuumadda Madaxweyne Deni ay ku xiratay dad ku fashilmay siyaasada Soomaaliya.

Waxaa ay sigaar ah Madaxweynaha puntland ugu eedeeyeen in uu taageeray doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo oo ay sheegeen in ay diiday dowladda Federaalka,iyaga oo sharci-darro ku tilmaamay doorashadaas.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in xilligaan Puntland oo mudo 20 sano ka badan dhisan aan loo dumin dano dad gaar ah,waxaana ay sheegeen inay dhawaan tegi doonaan magaalada Muqdisho isla markaana ay xal u raadinahaa khilaafka soo noq noqday ee dowladda dhexe iyo Puntland.
Developed by Jago Desain