XOG: Xildhibaano katirsan baarlamaanka Puntland oo kusugan Muqdisho & Ujeedada socdaalkooda.

XOG: Xildhibaano katirsan baarlamaanka Puntland oo kusugan Muqdisho & Ujeedada socdaalkooda.

In kabadan xildhibaanada guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Puntland ayaa kusugan magaalada Muqdisho oo ay tageen dhawaan, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey saraakiil katirsan Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan cidda ay kulmeen.
Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa hogaaminaya mudanayaashan baarlamaanka ee guddiga joogtada ah, waxaana wararku sheegayaan in ay wafdigan ay ku si jeedaan dalka Uganda.
Tababar maalmo socon doona ayay uga qeybgalayaan magaalada Kampala ee dalka Uganda, sidaasi waxaa u sheegay Warsidaha Puntlandtimes.com qaar kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Puntland.
Socdaalka xubnahan ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili ay jirto is heyn u dhaxaysa Xukuumadda Puntland iyo dawladda Faderaalka Soomaaliya, maanta ay mudanayaal baarlamaan Garoowe uga dhawaaqeen in ay kasoo horjeedaan ficilada Xukuumadda Puntland.
Developed by Jago Desain