Ilhaan Cumar Oo Shaacisay Iney kala Tagayaan Seygeeda Axmed Xirsi.

Ilhaan Cumar Oo Shaacisay Iney kala Tagayaan Seygeeda Axmed Xirsi

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha gobolka Minnesota ayaa dacwad furitaan ah ka gudbisay seygeeda Axmed Xirsi

Ilhaan iyo Axmed waxay isguursadeen sanadkii 2000 waxayna kala tageen sanadkii 2008, waxayna dib isugu laabteen sanadkii 2018-kii.

“Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan oo ah

Waxay Ilhan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen.

Ilhan oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim Xijaab xiran ee loo doorto Congress-ka Maraykanka ayaa lagu xamanayey mudooyinkan inuu xiriir jaceyl kala dhexeeyo nin cadaan ah oo ka mid ah gacan yaraasheeda kaasoo lagu magacabo Tim Mynett.
Developed by Jago Desain