Fly Dubai Oo ka Badbaaday Khatar Ay ku Gali-gaartay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa.

Fly Dubai Oo ka Badbaaday Khatar Ay ku Gali-gaadhay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa.

Diyaarad ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ayaa dhowaan khatar weyn ku gashay garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, sida uu shaaciyay Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Xoghayaha duulista iyo hawada ee xisbiga Waddani, Nuuradiin Diini ayaa sheegay in diyaarada Fly Dubai duulimaadkeedi 661 ee 20-bishii dhamaatey ‘October’ ay khatar ku gashay garoonka Hargeysa kadib markii ay warbixin qaldan siiyeen mas’uulyiinta hagta diyaaradaha ee madaarka Cigaal.

Nuuradiin Diini ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in diyaaradaasi ay khatar u gashay inay ku burburto madaarka Hargeysa, iyadoo ay saarnaayeen dad ku dhow 100-qof oo rakaab ahi.

Xoghayaha duulista iyo hawada ee xisbiga Waddani oo arrimahaasi ka hadlayey ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in xukuumada Muuse Biixi ay isku daydey in falkaasi ay qariso, wuxuuna yiri “

Waxaan dooneynaa in halkan aan idinku soo gudbino dhacdooyin aad iyo aad u fool-xun ama ceeb ah guud ahaan Somaliland khatarna ku ah, nafo badana ay u gu’i gaadheen, hanti badana ay ku burburi gaadhay oo la qarinayey in aan sheegno”.
Developed by Jago Desain