Gabar Jaamacad U Gashay In Ay mar Uun Noqoto Wasiirka Kaluumaysiga

Gabadh Jaamacad U Gashay In Ay mar Uun Noqoto Wasiirka Kaluumaysiga

Gabar ardayad ah oo ka qalin Jabisay Jaamacada Badda ee ku taal magaalada Berbera ee maamulka Somaliland ayaa ka hadashay sababta ku dhalisay in ay barato cilmiga Badda.

Ms Saamiya Maxamed ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay barashada Kaluumeysiga, iyadoo intaa ku dartay in badda ay muhiim u tahay kobaca dhaqaalaha.

Dhanka kale waxay sheegtay in mar uun ay rajeyneyso in ay noqoto wasiirka Kaluumeysiga ee Soomaaliland.

Saamiya oo ah gabadhii ugu horeysay ee ka qalin jabisa Jaamacada Badda ayaa ugu baaqday in dhalinyarada ay bartaan xirfadaha badda si ay mustaqbalka uga faa,iideeyaan dalkooda iyo dadkooda.
Developed by Jago Desain