Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland muxuu ka yiri xilka qaadistiisa & Xiisad oo

Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland muxuu ka yidhi xilka qaadistiisa & Xiisad kale oo cusub

Kadib markii goor dhoweyd xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay xilka ka xayuubiyeen gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo ay mooshin ka keentay madaxtooyadu.

Xildhibaanada xilka ka qaaday gudoomiyaha oo dhamaa 49 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey gudoomiyaha in xilka laga qaado halka ay ka aamuseen 4 xildhibaan oo kaliya.

Gudoomiye Dhoobo oo warbaahinta la hadlay habeenkii xalay ahayd ayaa sheegay in uusan aqbali doonin go’aanka kasoo baxay xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Mudanayaal katirsan baarlamaanka Puntland oo kulan ku yeeshay xarunta golaha wakiilada ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay xilkii ka qadeen gudoomiyaha baarlamaanka Cabdixakiim Max’ed Axmed (Dhooba-Daareed), iyadoo ay mooshin kasoo gudbiyeen 44 xildhibaan oo sheegay in uu ku tuntay sharciga dalka iyo xeer hoosaadka golaha Wakiilada. Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi ayaa sheegay in ay sharci tahay xilka qaadistan, isagoo sheegay in codadka baarlamaanka ay maya ugu codeeyeen gudoomiye Dhooba-Daareed. Sidaas oo kale, wuxuu sheegay in uu jagada Gudoomiya sii heyn doono maalmaha doorashada gudaheeda, iyadoo ay tartanta musharaxiinta dib laga furi doono sida uu sheegay.

49 xildhibaan ayaa kalsoonida kala laabtay Gudoomiyaha baarlamaanka. Qodobada kale ee xildhibaannada mooshinka keenay ay ku soo eedeeyeen guddoomiyaha, waxaa kamid ah; in uu awooddii golaha uga faa’idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale xusay in guddoomiyuhu uu lumiyay dhex-dhexaadnimadii gudaha Baarlamanka, iyagoo ku eedeeyay in uu eex iyo xad-gudub ku sameeyo xildhibaanada aan isaga la fikirka ahayn. Waxa uu sheegay in afduub lagu sameeyey Baarlamaanka Puntland oo shakhsiyaad gaar ah ay maamulayaan siday doonaana ka yeelaya xildhibaanada, isagoona dagaalkii xalay ka dhacay Garowe ku eedeeyey in uu ka dambeeyey madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni.

Tuuriska iyo xilka qaadista gudoomiye Dhoobo ayaa culays badan saari doonta madaxweyne Denni oo laga yaabo in xiisado cusub ay kaga furmaan gobolka Sanaag iyo qaybo kamid ah deegaanada Puntland.
Developed by Jago Desain