Kulamo xasaasi ah ka socda Garowe & Xiisadii Baarlamaanka Puntland oo weli taagan

AH:Kulamo xasaasi ah ka socda Garowe & Xiisadii Baarlamaanka oo weli taagan

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa sheegaya in kulamo iyo shirar kala duwan ay ka socdaan gudaha magaaladaasi.

wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa kulamo kala gadisan la qaadanaaya xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland , shirarkaas oo looga wada hadlaayo arimo badan.

Dhinacyada kulanku u dhaxeeya ayaa kawada hadlaya sidii Xukuumadda Puntland ay u heli lahayd xildhibaano ku filan si loo ansixiyo miisaaniyada dowladda ee sanadka 2020, waxaana wararka qaarkood ay sheegeen in labada dhinac ee wasiir Abgaal iyo xildhibaanadu ay kawada hadlayaan xiisadihii muddooyinkii ugu dambeeyey ka jiray Puntland

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa saluugsan siyaasada Xukuumadda madaxweyne Denni, waxaana xildhibaanadu ay dalbadeen in la xisaabtan dhab ah lala sameeyo.

Meel marinta iyo ansixinta miisaanida 2020 ayaa u baahan kooram badan oo xildhibaano ah si loo ansixiyo, waxaana taas badalkeedu haatan Xukuumadda wadaa qorshe ay kusoo xera galinayso xildhibaanada Baarlamaanka.

Waxa sidoo kale weli taagan xiisado u dhaxeeya Xukuumadda iyo xildhibaanada oo ku kala aragti duwan heshiiyadii ay gashay Xukuumadda taas oo u muuqata hirgelintoodu in ay adag tahay
Developed by Jago Desain