Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Addis Ababa. Maxay tahay sababtu

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Addis Ababa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ahaa ee Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay.

Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD waxa ay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagaya Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah ee dalalka Gobolka.

Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee ka soo qeyb galaya shirkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xaqiijineysa siyaasaddeeda ku aaddan Gobolka ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale ee Gobolka.
Developed by Jago Desain