PUNTLAND: GUDDOOMIYE DHOOBO OO FASAX KOOBAN U DIRAY BAARLAMANKA KADIB MARKII MOOSHIN LAGA KEENAY

PUNTLAND: GUDDOOMIYE DHOOBO OO FASAX KOOBAN U DIRAY BAARLAMANKA KADIB MARKII MOOSHIN LAGA KEENAY

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo), ayaa maanta oo Arbaco ah fasax saddex maalmood ah u diray xildhibaannada golaha wakiilada Puntland.


Guddoomiyaha ayaa ku wargeliyay mudanayaasha, in ay fasax yihiin laga bilaabo Khamiista berriya ilaa maalinta Isniinta ah ee todobaadka soo socda, wakhtigaasi oo dib la isugu soo laaban doono, si ay u sii socdaan hawlaha Baarlamanka.

Golaha ayaa saaka magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo soo uruurin doona nuxurka warbixinno kala duwan oo maalmihii la soo dhaafay laga dhegaystay guddi-hoosaadyada Baarlamanka. Xubnaha cusub ee la magaaacabay, ayaa Isniinta todobaadka soo socda la dhegaysan doonaa xog-uruurinta ay ka sameeyeen warbixinihii guddi-hoosaadyada golaha wakiilada.

Dhinaca kale, warar si hoose uga soo baxaaya barlamaabka ayaa tibaaxaaya in 31 mudane oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka ay saxiixeen mooshin xilka qaadis ah oo ka dhana guddoomiye Dhoobo.

Xildhibaannada mooshinka wada, ayaa sida la sheegayo waxaa dabada ka riixaysa xukuumadda Puntland, kadib markii la xallin waayay khilaaf u dhexeeya madaxweynaha Puntland iyo guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Dhoobo.

Mooshinka ayaa sida qorshaysneyd la gudbin lahaa maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda, balse guddoomiyaha ayaa sii fasaxay mudanayaasha, inkastoo aan la ogayn tallaabada xigi doonta.
Developed by Jago Desain