SAWIRO: Kulamo lagu taageerayey Suldaan Sheekh maxamed muuse indhataag oo lagu kala qabtay London UK iyo yaman

SAWIRO: Kulamo lagu taageerayey Suldaan Sheekh maxamed muuse indhataag oo lagu kala qabtay London UK iyo yaman

Kulan ay soo qaban-qabiyeen waxgaradka , siyaasiyiinta, aqoonyahanada , haweenka iyo Jaaliyada beelwaynta aadan C/raxmaan ee ka tirsan Beelaha Siwaaqroon oo lagu taageeray Caleemasaarka Suldaan Sheekh Maxamed Muuse Indhataag  iyo in beelaha Aadan C/raaxmaan ay aayahooda ka tashadaan  ayaa lagu qabtey magalada UK ee Waddanka Ingiriiska .

Qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Beelwaynta aadan C/raxmaan  ee Dalka UK iyo Dalalka dariska la ah ayaa ka qaybgalay kulankan, waxaa dhammaan Xubnihii ka Qayb-galay ay si wadajir ah u tageereen go’aanka ay qateen Wax-garadka Beelwaynta  aadan C/raxmaan si wayna lagu taageeray Suldaanka Guud ee Beelaha aadan C/raxmaan Suldaan Sheekh Maxamed Muuse indhataag

Wax-garadkii iyo Aqoon-yahannadii ka Hadlay Madasha ayaa ka dhawaajiyay in Beelaha Aadan C/raxmaan xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan oo ay midnimadooda iyo wadajirkooda ay aygu ka shaqaynaayaan

Sidoo kale, Waxaa la isla Meel-dhigay in xaflada Caleemasaarka Suldaan Maxamed Muuse indhataag oo dhawaan Dalka lagu qabanaayo haduu eebe yiraahdo  lala garab-is-taago tageero dhinac walba leh, iyadoo xubnihii ka soo qayb galay kulankaasi ay sheegeen inay dalkii u dhoofaayaan oo si mug wayn uga qayb qaadanaayaan caleemasaarkaas taariikhiga ah 


Dhinaca kale waxaa ku qabsomay hotelka alxamraa  ee ku yaala magaalada mukulla ee gobolka xadramout oo ah xarunta ganacsatada soomalida ku sugantahay dalka yaman shir balaaran oo ay isu yimaadeen waxgaradka cuqaasha iyo ganacsatada , aqoonyahanada beesha aadan c/raxmaan oo ka tirsan beelwaynta siwaaroon ee ku sugan halkaas 

Shirkaas ayaa ku  saabsana sidii loo taageeri lahaa suldaanka guud ee beelaha aadan c/raxman Suldaan sheekh maxamed muuse indhataag iyo iclaamintii lagu iclaamiyey bosaaso waxay si wadajir ah u yiraahdeen waxgaradkii ka soo qayb galay kulankaas 
waa taageersanahay waxaan uga qayb gelaynaa si mug leh insha allah

beelaha Aadan Cabdiraxmaan ayaa dhawaan si wadar ah, oo aan wax khilaaf ah lahayn, isugu waafaqay  in ay yeeshaan isim mideeya, ayagoo si isku duuban u caleemasaaray Suldaan Sheekh  Maxamed Muuse Indhataag suldaanka guud ee beelaha aadan c/raxmaan iyadoo dhawaan la qorsheeyay in xaflad balaaran oo lagu caano shubayo dalka guduhiisa lagu qabto 





















Developed by Jago Desain