SAWIRRO: DF Soomaaliya oo war farxad galiyay Shacabka Gaalkacyo & Carmo ku dhawaaqday

SAWIRRO: DF Soomaaliya oo war farxad galiyay Shacabka Gaalkacyo & Carmo ku dhawaaqday

Madaxda ugu sareysa dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga jawaabay dalab ka yimi qaar kamid ah shacabka magaalooyinka Gaalkacyo & Carmo ee Puntland oo ay dhalinyaradoodu ku xiran yihiin Xabsiyada dalka Cummaan mudo dheer aysana waxba war ah ka heynin.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u magacowday guddi gaar ah oo ka shaqeynaya arrimahan sidii ay taabagal uga dhigi lahaayeen, kuwaas oo maalmihii ugu horeeyey bilaabay shaqadooda, waxayna xooga saareen sidii ay uga jawaabi lahaayeen baaqa kasoo yeeray qeybaha bulshada ee Soomaaliyeed.

Lataliyaha sare ee Raysalwasaaraha Soomaaliya Cabdiqani Cabdi Jaamac ayaa la xariiray madaxda kala duwan, waxaana xubnaha kujira ka mid ah Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya Cummaan iyo xubno kale oo katirsan dawladda Faderaalka Soomaaliya.



Ambassador Maryan Yassiin oo ah wakiilka dawladda Soomaaliya ee dadka ku xiran dibadaha ayaa qeyb ka ahayd qorshahan iyo sidii dhalinyaraddan Soomaaliyeed u heli lahaayeen cadaalad.

Kulan gaar ah oo ay la yeesheen laamaha ciidamada Ilaalada Xabsiyada iyo Xeer ilaalinta ee dalka Cummaan ayay wafdigan ku ogaadeen in ay jiraan dad laxukumay iyagoo da’ahaan aad u yar, ayna hadda rajeynayaan in ay dhammaan kiisaskooda lasoo wareegaan.

Dawladda Faderaalka Soomaaliya, waxay hadda heshay faylasha dacwadda ee 8 wiil oo ah dhalinyarro Soomaaliyeed, kuwaas oo ay hadda bilowday qorshaha ku aadan dib u celinta Soomaaliya si ay xabsiyada halkaas ugu dhameystaan.

Dawladda Cummaan ayaa sheegtay in ay xabsiyada badankooda qaateen dhalinyaradda iyo dadka Soomaaliyeed ee ku jira Jeelasheeda, waxaana wararku sheegayaan in ay suuragal tahay in dhammaan lasoo wareejiyo
Developed by Jago Desain