Ururo Ku Baaqay In Dhamaan Xilka Laga Xayuubiyo Salaadiinta Gobolka

Ururo Ku Baaqay In Dhamaan Xilka Laga Xayuubiyo Salaadiinta Gobolka

Ururo wax garad iyo aqooyhano ka soo jeeda gobolka Awdal oo baaq qoraal ah so saaray ayaa ku baaqay in la kala diro dhamaan salaadiinta gobolka Awdal oo ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan midnimo la’aanta iyo dib u dhaca ku yimid gobolka ee dhinaca siyaasada iyo dhaqaalaha.
Baaqan ayaa sidaa u qoran sidan.
Anaga oo ka kooban dhamaan qabiilada dagan gobolka Awdal, waxaan soo jeedinaynaa in xasaanada laga noqdo dhamaan Salaadiinta gobolka Awdal, oo ku fashilmay hogaankii ummada.
Salaadiinta hadda joogta annaga oo aan eedaynayn waxay ku caan baxeen isqabqabsi, iyo hawlihii loo igmaday oo ay baal mareen. Annaga oo aan magac dhabayn hadda waxaa jira in suldaankasta uu geeyey madaxtooyadda ama xagaa sarre ee dawlada xubno ay labbo oday kala tirsadaan ama ka yar, kuwaas oo loogu shaqaalyeey in lagu aamusiiyo iyaga lagagana leexiyo hawshii ay ummada u qaban lahaayeen.
Salaadiinta oo ay shaqadoodu ahayd in ay dadka isku soo ururiyaan kuna duceeyaan go’aanka ay ummadu gaarto, ayaa hadda u shaqeeya taa cakiskeega, iyaga oo kala qaybiya bulshada ay hogaanka u hayaan ee dooratay iyo kuwa ay ood wadaagta yihiin ee ay dhib iyo dheefba wadaagaan.
Salaadiintan ayaa ku sifoobay in ay si toos ah ugu milmaan siyaasadda, iyaga oo loo yeedhiyo hadala ay shirarka kaga hadlayaan iyo kolba cida ay weerarayaan, iyadda oo ay adkaatay in la fahmo sida ay wax u wadaan, maalin walbana samaysta gaashaanbuuro cusub oo lid ku ah kuwa kale.
Annga oo aan ku fogaanayn dhibta ay bulshada ku hayaan, kuna soo bandhigi doona kulan la filaayo in laga wada soo qayb galo oo ka dhici doona London ama Rotterdam fasaxa bisha December, kadib marka aan go’aansano meesha ay noqonayso kulanka labaad oo aan yeelan doono badhatama bishan.
Cidkasta oo danaynasa in ay kulankan ka qayb gashana waan soo dhawaynaynaa waxaanan baafin doonaa bishan badhtankeeda goobta iyo wakhtiga lagu qabanaayo

Developed by Jago Desain