Wasiir Maareeye ”Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta badqabka Saxafiga iyo Saxaafadda..”

Wasiir Maareeye ”Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta badqabka Saxafiga iyo Saxaafadda..”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaal Soomaaliya mudane Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta Xafiiskiisa ku qabtay Shir Jaraa’id uu kaga hadalayay qiimaha ay leedahay Maalinta 2da November oo caalamku u asteeyay maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Xukun-Ku-Qaadis La’aanta Dambiyada laga galo Saxafiyiinta oo sanad walba 2 November Laga xuso Adduunka oo dhan ayaa sheegay in siyaasadda dowladda Soomaaliya ay tahay in la cirib tiro ku xadgudubka wariyaha iyo dhamaan dambiyada kale ka dhanka ah warbaahita xorta ah.

“2da November 2019 waxay ku beegen tahay maalinta adduun waynaha iyo bahda warbaahinta,ururadoodu ay ku qiimeeyaan qaabka dowladuhu uga hortagaan ama ula xisaabtamaan xadgudubka iyo dambiyada laga galo wariyaha iyo warbaahinta xorta ah, inkastoo dalkeenna Soomaaliya weli yahay wadan dhib ka soo gaaro wariyaha ama kasoo gaari karo maadama ay ka howlgasho argagixisada caalamiga ah,dhinaca kalena aan weli adkayn hirgalinta amarka iyo kala dambaynta dalka maadama dalkeennu yahay wadan kasoo kabanaya burbur dowladnimo, xukunkuna aan weli si baahsan oo siman dalka oo dhan iskugu xirnayn”. Ayuu yiri wasiirka warfafinta oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id.

Wuxuu soo hadal qaaday in la sameeyey shuruucdii la xiriirtay xaqijinta arrimahaasi badqabka saxafiga iyo saxaafadda Soomaaliyeed.

”waxaanu sameeynay dhamaan shuruucdii hay’adihii iyo xeerarkaasi xaqiijin lahaa, hadafkaas iyo siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ciribtirka la xisaabtan la’aanta xadguubyada Wariyayaasha iyo Warbaahintaba”. Ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa “yiri Annagoo kaashanayna ururada ay ku midaysan yihiin Wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo warbaahinta xorta ah, ururada bulshada rayidka ah ee dalka,waxaanu dhisnay guddi Qaran ee badqabka wariyaha (National Coordination Committee for safety of Somali Journalists), Soomaaliyana waxay noqotay wadankii ugu horeeyay ee bariga Afrika ee guddigaasi dhisa”.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayuu sheegay wasiirku in ay xiriir dhow oo wada Shaqayn ah la leedahay wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo ururadooda,isagoo intaasi ku daray in sidoo kale ay wasaaraddu xoojinayso xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhexeysa Hay’adaha dowladda sida Booliiska, garsoorka,ururada Suxufiyiinta iyo wariyeyaasha,ayna diyaar u tahay inay hoggaamiso dadaalka Soomaaliya looga cirib tirayo ku xadgudubka wariyayaasha.

Ugu dambayntii wasiiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu hambalyeeyay wasaaradda iyo howlwadeennadeeda howsha ay qabteen iyo ururada suxufiyiinta oo ku guulaystay inay siyaasad ahaan ay hormuud u noqdaan Geeska Afrika , islamarkaana sameeyaan hab lagu ciribtiro xadgudubka Saxafiga iyo Saxaafadda, dhanka kale wasiirka ayaa tacsi u diray eheladii iyo carrurtii ay ka tageen wariyeyaashii ku geeriyooday iyagoo shaqadoodi ku guda jiray.

“Samir iyo iimaan dhamaanteen Allaha naga siiyo, intii ku dhaawacantayna Allaha u booga dhayo sida Ismaaciil Sheekh Khaliifa iyo wariyeyaasha la midka ah,Waxaan ballan qaadaynaa dowlad ahaan in aan ciribtirno xadgudubka xaqdarrada ah ee loo gaysan karo wariye Shaqadiisa ku guda jira”. Ayuu yiri wasiir Maareeye.
Developed by Jago Desain