XOG: Imaaraadka Carabta Oo Aqbaly Qorshe Uu Ula Tagay Madaxweynaha Maamulka Puntland

Imaaraadka Carabta Oo Aqbaly Qorshe Uu Ula Tagay Madaxweynaha Maamulka Puntland

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland, Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa halkaasi kula kulmay mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta u qaabilsan Tababarka iyo Taakuleynta ciidanka Puntland ee PMPF.

Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in uu mas’uuliyiinta Imaaraadka ku qanciyay, in ay sii wadaan Qandaraaska shirkadda PDG oo dowladda Imaaraadka ay adeega iyo Saadka u soo marin jirtay ciidanka Badda Puntland ee PMPF.

Dowladda Imaraadka Carabta, ayaa bishii June ee sannadkan hakisay Logistic-kadii ay ciidanka PMPF u soo marin jirtay shirkaddaasi PDG, kadib markii uu khilaaf ba’an soo kala dhex-galay Saamileydii ku midaysnaa PDG, islamarkaana uu khal-khal ku yimid hawlihii shirkaddaasi.

Sidoo kale, saraakiisha Imaaraatiga ayaa wakhtigaasi ku hanjabay, in ay gebi ahaanba Qandaraaska kala laaban doonaan shirkadda PDG, kadib markii la xallin waayay khilaafka u dhexeeya Saamileyda ku midaysan Shirkadda.

Balse, madaxweynaha Puntland ayaa sida la sheegayo mas’uuliyiinta Imaaraadka u xaqiijiyay, in xal rasmiya laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay Saamileyda PDG, isagoo ku qanciyay in ay sii wadaan Qandaraaska PDG ee Taakuleynta ciidanka PMPF.

Wararku waxay intaas ku darayaan, in madaxweynuhu safarkiisi soo geba-gabeeyay, isagoo la filayo in uu maalinta Sabtida soo socota dib ugu soo laabto magaalada Garoowe ee caasimadda Dawlad goboleedka Puntland.
Developed by Jago Desain