Imaaraadka :- Diyaar Baan U Nahay In Aan La Heshiino Dawlada Soomaliya

:- Diyaar Baan U Nahay In Aan La Heshiino Dawlada Soomaliya

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraatka Carabta Anwar Gargash ayaa sheegay in dalkiisa uusan raadineyn inay iska hor-yimaadaan Soomaaliya.

Xidhiidhka labada dal ayaa xumaaday markii dowladda Soomaaliya ay 8-dii April qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo Imaaraatka ay kasoo dejiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Hase yeeshee Gargash ayaa sheegay in weli uu furan yahay albaab ay isku fahmi karaan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. “Weli waxaa banaan fursad ay Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ku wadaagi karaan diblomaasiyad, anagu marnaba ma raadineyno isku dhac.” Ayuu yidhi.

“Xaaladdan waa mid u baahan diblomaasiyad, taasi oo nagu jiheyn karta xal siyaasadeed caqli gal ah, nabad ah, islamarkaana la joogteyn karo,” ayuu yidhi wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraatka Carabta, oo uu soo xigtay wargeyska HAN.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo shalay ay Muqdisho ku kulmeen Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi.

Si kastaba, hadalka Gargash iyo kulanka Cawad iyo Al Hammadi ayaa muujinaya inuu jiro isku soo dhowaansho yar.
Developed by Jago Desain