Madaxweyne Deni Oo Heshiis la Saxiixday Imaaraadka Carabta.(Sawirro)

Madaxweyne Deni Oo Heshiis la Saxiixday Imaaraadka Carabta.(Sawirro)

Dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ayaa kala saxiixday heshiis wadashaqayneed oo ogolaanaya in hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ay xafiis ka furato Puntland, si ay ugu fududaato arrimaha gargaarka bini’aadantinimo ee ay ka fuliso Puntland.


Madaxweynaha Dowlad goboleedkaPuntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa saxiixay heshiiska wadashaqayneed ee  Puntland iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka, dhinaca Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka waxaa heshiiskan u saxiixay Xoghaya Guud ee Hay’addaasi Maxamed Ateeq Al-falahi.

dawlad goboleedka Puntland ayaa asbuucyadan ka shaqeynaysay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada Puntland, waxaana jira Guddiyo Dowladdu u saartay arrimaha Gurmadka dadka ay roobabku saameeyeen.

Xafiiska Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadku ay ka furanayso Puntland ayaa ka mid noqondoona xafiisyada Maaamulka kala shaqaynaaya arrimaha gargaarka bani’aadantinimo, waxaana wafdigii ugu horeeyey ee xafiiskaasi ka socda uu maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.





Developed by Jago Desain