Qabanqaabada xaflada caleemasaarka suldaaka Guud ee Beelaha Aadan C/raxmaan oo laga Dareemaayo Gobolada Bari iyo Gardafuu

Qabanqaabada xaflada caleemasaarka suldaaka Guud ee Beelaha Aadan C/raxmaan oo laga Dareemaayo Gobolada Bari iyo Gardafuu

iyadoo ay wali socoto qabanqaabada xaflada caleemasaarka suldaaka Guud ee Beelaha Aadan C/raxmaan ee Siwaaqroon ayaa si hamsami leh looga dareemaayaa Gobolada Bari iyo gardafuu 

suldaan sheekh maxamed muuse axmed (Indhataag) oo 6dii bisha July 2019 loo doortay inuu noqdo suldaanka guud ee beelaha aadan c/raxmaan ayaa lagu wadaa in lagu caleemasaaro Magaalada Boosaaso e xarunta Gobolka Bari  waxayna ku dhawaaqeen guddiga qabanqaabada caleemasaarka Suldaanka in 14 january 2020 loo asteeyay in lagu caano  shubo suldaanka guud ee beelaha aadan cabdriraxmaan suldaan  Sheekh Maxamed Muuse indhataag 
Xubnaha Guddiga Qabanqaabada Caleemasaarka Suldaanka ayaa ugu danbayntii kulamadoodii ku soo gunaanaday duco ayagoo ilaahay subxaanahuu watacaalaa waydiistay ujeedadadooda inuu ka yeelo mid  wanaagsan oo u horseeda umadda deegaanadaas iyo  ummada soomaaliyeed  midnimo iyo horumar 

6dii bisha July 2019 ayaa shir balaaran oo lagu qabtay Degmada Baargaal oo ay soo xaadireen 50 xubnood oo guurti ah, waxay si wadar ah u aqbaleen in Suldaan Maxamed Muuse Axmed uu yahay suldaanka guud ee beelaha Aadan Cabdiraxmaan mideeya.




Developed by Jago Desain