SAWIRO: Boosaaso oo si wadajir ah loogu daahfuray shaqadii u horreysa ee gurmadka gobolka Gardafuu

SAWIRO: Boosaaso oo si wadajir ah loogu daahfuray shaqadii u horreysa ee gurmadka gobolka Gardafuu

Iyadoo dhawaan roobab mahiigaan ah ay ka da’een qaybo kamid ah deegaanada Puntland isla markaasna ay saameyn ku reebeen deegaanada qaarkood roobabkaasi ayaa gooyay gaiahaan wadooyinkii loo mari jiray gobolka Gardafuu, waxaana uu gobolku galay xaalada godoon ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Culimo, kuwaasi oo ka shaqeyn doona wax ka qabashada khasaarihii ka dhashay Roobabka iyo abaabulka sidii loogu gurman lahaa dadka waxyeeladu gaartay asagoo ku baaqay Dowladd, Shacab iyo Hay’addaha deeqaha bixiya in dhammaan la isu taago sidii loogu gurman lahaa Gobolka Gardafuu.

Saaka oo taariikhdun tahay 10/12/2019 ayaa waxaa si wadajir ah loo daahfuray shaqadii u horreysa ee gurmadka gobolka Gardafuu, waxaa kulankii lagu daahfurayey kasoo qeyb galay guddiga gurmadka Gobolka Gardafuu, dhallinyarada isxilqaameyaasha Puntland, bulshada, maammulka degmada Boosaaso iyo waxgaradka samo jecelka ah ee magaalada Boosaaso.

Wacyigelinta bulshada oo ka bilaabatay suuqa weyn ee magaalada Boosaaso, ayaa bshadu ku muujisay garab istaag iyo niyad samaan xoog leh.

daawo sawirada










Developed by Jago Desain