Sidee u baxsaday Wasiirkii Amniga Jubbaland ee maxbuuska ahaa C/Rashiid Janan..? (Akhriso Qiso yaab leh...)

Sidee u baxsaday Wasiirkii Amniga Jubbaland ee maxbuuska ahaa C/Rashiid Janan..? (Akhriso Qiso yaab leh...)

Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) ayaa la xaqiiijiyey inuu ka baxsaday dowladda Soomaaliya oo uu u xirnaa muddo 5 bilood ku dhow, laguna soo eedeeyay dembiyo kala duwan.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa ku baahisay warka baxsashada Wasiir Cabdirashiid Janan, iyadoo sheegtay inay ciidamada amniga ku raad joogaan, kana codsatay dadka Soomaaliyeed inay soo sheegaan ciddii aragta.

Xogta laga helay hay’adaha Amniga ayaa sheegaya in sida yaabka leh ee uu ku baxsaday C/rashiid ku baxsaday iyadoo ay gacanta ku heysay Hay’adda NISA, taasoo ahayd in shan maalmood ka hor laga wareejiyey xarunta weyn ee NISA, isagoo lagu xiray Guri u dhow Xarunta NISA ee Habar Khadiija, degmada Shibis, waxaana la sheegay inuu Dariishada qolkii uu ku jiray jabsaday, halkaasina ka baxay.


Saacado kadib ayay ogaadeen ciidamadii ilaalada ka hayey Wasiirka maxbuuska ahaa, waxaana la sheegay inaan lagu guuleysan in la helo saacado kadib markii uu baxsaday, arrintan oo su’aalo badan dhalineysa iyo suuragalnimada in loo fududeeyay.

Cabdirashiid Janan ayaa waxaa laga qabtay bishii 31-ka Ogos 2019, waxaana dawladda Soomaaliya ay ku eedaysay inuu galay “dambiyo culus” iyadoo mar kaliya maxkamadda Gobolka Banaadir lasoo taagay, intaasi ay hayeen ciidamada NISA.

Waxaa durba su’aalo ka dhasheen sida qof xil sare haya oo dowladda u xiran sidaas ugu baxsan karo, iyo sababta Booliska u shaaciyeen, waxaa kaloo su’aalo ka taagan yihiin in xabsi la isaga hayo muddo 5 bilood dhan. Waxaa xarigiisa hore loogu tilmaamay mid siyaasadeed oo Madaxweyne Farmaajo kula dagaalameyay Doorashadii Axmed Madoobe.
Developed by Jago Desain