Waa kuma Qasem Soleimani, Jeneraalka laf-dhabarka u ahaa Iran ee Mareykanka uu dilay?


Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Jeneraal Qasem Soleimani oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds.
Ciidamada Quds ayaa ah ciidan qaabilsan hawlgalada dibadda, kana tirsan ciidamada dalka Iran.
Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in dilka Qasem Soleiman uu amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Soleimani ayaa lagu dilay meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha ee Baqdad ee dalka Ciraaq.

Haddaba waa kuma Jeneraal Qasem Soleiman?

Qasem Suleimani waxaa uu dhashay sanadkii 1957, wuxuuna hadda madax ka ahaa ciidamada Quds.
Qaseem wuxuu caan ka ahaa gudaha dalalka Iran, Ciraaq, Lubnaan, Suuriya iyo Yemen oo ah dalal ay ku nool yihiin dadka heysta madhabta shiicada, waxaana aad u xurmeyn jiray hogaamiyeyaasha dalka Iran iyo dadka shiicada.
Ciidanka uu madaxda ka ahaa ee Quds waxay ahaayeen ciidamo qaabilsan hawlgalada dibadda, gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, waxayna si toos ah uga mar qaataan hogaamiyaha Iran.
Ciidamada Quds waxay hawgalo ka sameyaan meelo ka baxsan xuduuda dalka Iran, waxay taageero buuxda u muujiyeen Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, xilligii ay xoogaga mucaaradka Suuriya qabsadeen qeybo badan oo kamid ah dalkaas.
Ciidamada Quds ayaa sidoo kale gudaha dalka Ciraaq kula dagaalameen kooxda ISIS, waxayna ku guuleysteen in ay ka saaraan deegaano badan.
Wuxuu astaan muuqata u ahaa saameynta sii kordheysa ee Iran, gaar ahaan bariga dhexe oo ay ku loolamayaan xulafada Sacuudiga iyo Iran.

Goormuu awood yeeshay Qasem Suleimani?

Qasem Suleimani waxaa uu ciidamada Quds madax ka noqday sanadkii 1988, balse xilligaas ma uusan ahayn nin aad loo garanayay, waxaana uu gacan weyn ka geystay xoojinta xiriirka Iran ay la leedahay ururuka Hezbollah, Dowladda Suuriya iyo maleeshiyaadka shiicada ee dalka Ciraaq.
Sanadihii dambe, Qasem Suleimani wuxuu aad ugu dhawaa hogaamiyaha ruuxiga ee dalka Iran Ayatollah Ayatollah Ali Khamenei

Intii uu madaxda ka ahaa ciidamada Quds, waxay awood u yeesheen in ay ballaariyaan awoodooda dhanka milateriga, sirdoonka, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Soleimani waxaa uu ka dhashay qoys sabool ah oo ka soo jeeda bariga dalka Iran, waxaana uu shaqo bilaabay isagoo 13 sano jir ah, si uu u caawiyo qoyskooda.
Xilliyada fasaxa waxaa la sheegay in uu sameyn jiray jimicsi jir dhis ah, waxaana uu sidoo kale aad u dhageysan jiray khudbadaha hogamaiyaha ruuxiga ee dalka Iran.
Wargeyska the Foreign Policy ayaa kusoo warramay in isagoo dhalinyaro ah uu ku biiray milateriga dalka Iran sanadkii 1979, waxaana la sheegay in uu kasoo qeyb qaatay dagaalkii dhexmaray dalalka Iran iyo Ciraaq, xilligaas oo dalka Iran looga aqoonsaday “nin geesi ah”.

Saameynta ciidamada Quds

Sanadkii 2005, markii dib loo soo dhisay Dowladdii Ciraaq, Qasem Suleimani wuxuu saameyn siyaasadeed ku yeeshay dowladii uu hogaaminayay ra’iisul wasaarihii hore ee Ciraaq, Nouri al-Maliki.
Markii ay dagaalada sokeeye ka bilawdeen dalka Suuriya, waxaa uu ciidamadiisa ku amray in ay gudaha u galaan Suuriya oo ay difaacaan dowladda madaxweyne Bashar Al Asad.
Qasem Suleimani wuxuu dhowr jeer ka badbaaday isku day di oo ay soo maleegeen Israel iyo qaar kamid ah dalalka Carabta. Dhowr jeer waxaa la sheegay in uu dhintay, inkastoo markii dambe la xaqiijiyay in uu nool yahay.
Sanadkii 2006, waxaa la sheegay in Soleimani uu ku dhintay diyaarad ku burburtay waqooyiga galbeed ee dalka Iran. Sidoo kale sanadkii 2012 waxaa lasoo wariyay in uu ku dhintay qarax ka dhacay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, halkaas oo ay ku dhinteen saraakiil sarsare oo aad ugu dhawaa madaxweyne Bashar Al Asad.
Dowladda Iran ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore sheegtay in ay fashilisay qorshe la doonayay in lagu khaarajiyo Qasem Soleimani, waxaana warbaahinta dalka Israel ay dhowr sano kahor kusoo warrantay in Israel ay dhowr jeer isku dayday in ay khaarajiso Qasem Soleimani.
Developed by Jago Desain