Beesha Siwaaqroon Daaroodiya Ee Cumaan oo Martiqaad U Samaysay Boqor Burhaan-SAWIRRO

Beesha Siwaaqroon Daaroodiya Ee Cumaan oo Martiqaad U Samaysay Boqor Burhaan-SAWIRRO

Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmaha booqasho ku jooga Saldanada Cumaan ayaa waxaa martiqaad u sameeyay Muwadiniinta Beesha Siwaaqroon Daaroodiya ee wadankaasi

Boqorka iyo waftigiisa waxaa soo dhaweeyay Shuyuukhda, ganacsatada iyo aqoonyahanada beesha Siwaaqroon Daaroodiya ee Magaaladda Salalah. Qadasharafta loo sameeyay boqorka waxaa hadalo mahadcelin iyo soo dhaweyn ah ka jeediyay Sheekh ka mid ah shuyuukhda beesha ee dalkaasi,

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa uga mahadceliyay Shuyuukhda soo dhaweynta iyo martiqaadka ay u sameeyeen isaga iyo waftiga la socda. boqorku wuxuu sheegay in socdaalkiisa Cumaan uu la xiriiro u guurgalida xaalada Soomaalida muwaadiniinta ka ah cumaan iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ka shaqaysata dalka.

Boqorku wuxuu ku booriyay Soomaalida degan Salalah in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka Soomaalida degan Magaaladda Salalah iyo guud ahaan wadanka Cumaan.

Boqorka iyo weftiga la socda ayaa martiqaad midkan oo kale waxaa u sameeyay Muwaadiniinta Beesha Baytul cali Saleebaan Daaroodiya ee wadanka Cumaan.












Developed by Jago Desain