Dowladda Federaalka oo soo dhoweysay Shirkii uu ku baaqay madaxweynaha Puntland

Dowladda Federaalka oo soo dhoweysay Shirkii uu ku baaqay madaxweynaha Puntland

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhoweynayso Shirkii uu madaxweynaha Dawlad goboleedka
Puntland ku baaqay in ay isu’gu yimaadan dadka Reer Puntland si looga tashado Arrimaha dowladda Federaalka.

Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska  xukuumadda federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay ay soo dhowaynayso shirka uu ku baaqay madaxweyne Deni islamarkaana ay rajaynayaan in
wax wanaagsan ka soo baxo Shirkaasi.

Wasiir Maareeye oo la hadlayey Barnaamij gaar ah oo xalay ka baxay Warbaahinta dowladda
Soomaaliya ayaa sheegay in ay
rajeynayaan in shirkaas uu kasoo baxo wax wanaagsan oo maxsuulka uu noqdo talo Soomaaliyeed oo fiican taasi oo kala aragti duwanaanta haatan jirta fududeyn doonta.

Madaxweynaha Puntland Siciid
Cabdullaahi Deni ayaa jimcihii la soo dhaafay iclaamiyay Shir Weyne
wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dhammaan dadka Reer Puntland si looga wada-tashado Arrimaha dowladda Federaalka mowqif midaysana looga qaato.

Madaxweyne Deni ayaa shaaciyay in shirkaasi caasimadda Garoowe lagu qaban doono 15-ka bisha Maarso ee sannadkan 2020 waxaana uu shirka ku marti-qaaday Xildhibaannada labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dadka Reer Puntland.
Developed by Jago Desain