Lionel Messi oo Ku soo Biiraya Manchester City !

Lionel Messi Kuso Biiro Man City!

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa heegan galiyay Manchester City kaddib markii ay isku dhaceen agaasimaha ciyaaraha kooxdaas ee Eric Abidal taas oo dhalisay in durtaba deg deg loola xidhiidhiyo kooxda Premier League.
Leo ayaa barta Instagram ku jeex-jeexay agaasime Abidal kaas oo wargeyska Dario Sport u sheegay in qaar kamida xiddigaha kooxdu aysan sida ugu adag iyo dadaalka ugu badan ku hoos qaban jirin tababarihii la caydhiyay ee Ernesto Valverde.
Messi ayaa Abidal u sheegay inuu magacaabo ciyaartoyda uu sheegayo balse uusan isku wada darin xiddigaha oo dhan laakiin xaaladaas ayaa ugu dambayn la xaliyay kaddib wadahadalo dhex maray Abidal iyo madaxweynaha kooxda.
Waxa jira qoddob ku jira heshiiska Messi oo u ogolaanaya inuu xagaa kasta qaab xor ah ku baxo haddii uusan ku faraxsanayn Barcelona waxaana uu soo jiitay Man City oo isku aragta kooxda ugu fursada fiican haddiiba Messi iib yahay sida lagu sheegay ESPN.
Developed by Jago Desain