Ads Top

Madaxtooyada Puntland oo amar culus dul-dhigaysa maanta dhamaan Wasiiradda & Shaqaalaha Puntland.


Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa xalay amray in dhammaan wasiiradda Xukuumaddiisu ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada Shaqaalaha wasaaradaha iyo Xarumaha dawladda, sidaas oo kalena ay dabagal ku sameeyaan qof kasta oo ay u arkaan in uu diidan yahay siyaasadda Xukuumadiisa, taas oo kamid ah arrimaha cusub ee kusoo kordhay Puntland.
Siciid Deni ayaa talaabadan qaaday saacado uun markii uu Xabsiga dhigay Wariyihiisii gaarka ahaa Cumar Soomane oo ay horey Madaxtooyadu uga keentay magaalada Muqdisho.
Wasiiradda qaarkood ayaa loo gudbiyey Liiska shaqaalaha oo inta badan baraha bulshada ka jawaab-celiya, waxaana kuwa taageera Xukuumadda iyo kuwa kasoo horjeedaba la amray in aysan xarumo dawladeed ka shaqeyn karin.
Go’aanka Madaxtooyada Puntland ayaa muujinaya heerka walaac ee ay qabto, waxaana Madaxweyne Deni aad ugu mashquulsan yahay baraha bulshada iyo la socodkooda, taas oo wax badan ka leexisay jadwalkiisa Shaqo.
Horey wasiiro katirsan Xukuumadda Puntland ayaa uga digay shaqaalahooda, taas oo ay ku amreen in aysan waxba jawaab-celin ah ka bixin karin doodaha ku saleysan waxqabadka dawladda iyo meelaha lagu dhaliilayo.
Sidaas oo kale, qof kasta oo loo arko in uu taageero u yahay dawladda Faderaalka Soomaaliya siyaasadeeda ayaa si gooni ah xilka looga qaadayaa, taas oo ka dhigan waji muujinaya in ay dhamaatay in arrimo siyaasadeed lagu kala aragti duwanaado.