Madaxweynaha Puntland Oo Xilkii Ka Qaaday Agaasimihii Guud Ee Raadiyaha Iyo Tvga Dawlada

Madaxweynaha Dawlada Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa xilkii ka qaaday Agaasimaha Guud ee Raadiyaha iyo Tvga Dawlada Puntland Jamaal Arab Yuusuf isagoo xilkaas si kumeel-gaar ah ugu magacaabay Agaasime ku xigeeka Tvga Dawlada Daahir Cabdiqaadir Axmed. Digreetada Madaxtooyada kasoo baxday ayaa sidaan u dhignayd. Madaxweynaha Dowladda Puntland:- Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf laga qaaday xilka Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland. 2. Waxaa Daahir Cabduqaadir Axmed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland. 3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay madaxweynuhu

Madaxweynaha Dawlada Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa xilkii ka qaaday Agaasimaha Guud ee Raadiyaha iyo Tvga Dawlada Puntland Jamaal Arab Yuusuf isagoo xilkaas si kumeel-gaar ah ugu magacaabay Agaasime ku xigeeka Tvga Dawlada Daahir Cabdiqaadir Axmed.
Digreetada Madaxtooyada kasoo baxday ayaa sidaan u dhignayd.
Madaxweynaha Dowladda Puntland:-
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf laga qaaday xilka Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
2. Waxaa Daahir Cabduqaadir Axmed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay madaxweynuhu
Developed by Jago Desain