MAQAAL: Puntland oo ka huruda Geediga Siyaasadeed ee Soomaaliya & Isbedelada taagan!

MAQAAL: Puntland oo ka huruda Geediga Siyaasadeed ee Soomaaliya & Isbedelada taagan!

Guurguur Siyaasadeedka iyo midka qorshe ee Aduunka ka socda gaar ahaan Gees Africa waxaa muhiin ah in Puntland la jaanqaado, hamoodin wax sahal ah in 2 cisho uu wasiirka Ethiopia Hargeysa fadhiyo, maaha wax lala yaabo in Madaxweyne Farmaajo Hargeysa tago, hala yaabin hadii la yiraahdo waala weerarayaa Maamulada Puntland, Soomaaliland iyo Jubbaland, mucjiso maaha in Ciidamado Eletrian ah ka soo dagaan laasqorey, sheeko maaha in ciidamado Eletrain ah iyo kuwo Ethiopian ah saldhig looga dhigo doono Puntland iyo Soomaaliland,

Mucjiso ma leh waayo dhamaan arimahaan waa guurguur Siyaasadeedka iyo qorsheyaasha Aduunka wax cusub kuma jiraan.

Soomalia waxaa loo tababaray Ciidamo kala duwan dhamaantood waxaa laga soo wadaa goobihii ay ku tababarteen sida Ethiopia, Talyaniga, Qatar, Ugand, Eleteri iyo Turky waxaa istaas dheer kuwo Mareykanku tababaray oo Soomaliya jooga, waa Soomaali waxaana la geyn doonaa meel walba Soomaali joogto, Ogow Puntland waa Soomali Ciidankuna waa Soomaali.

Aduunka Eeg dalka Suuriya dalka Turky -ga ayaa qabsaday Gobolo ka mid ah waxaana ku haysta Ruushka Suuriya waxba laga weydiin mayo, Israa’iil waxay qoratay 5-kun ciidan Carab ah mardhow waxaa loo fasaxay inay Sucuudiga ku tagi karaan bilaa Visa

Puntland waxay soo martay waqtiyo kala duwan waqti ay kaligeed hagaysay Siyaasada Soomaaliya laakiin maanta wax walba waa isbedaleen waxaa yimid Geopolitics and Geostrategic, Haddaba xagee usoconaa, ma fahansanahay in Aduunku isbedaly, ma haysanaa qorsheyaal kala dambeeya.

Waxaan isku darsi doonaa Ethiopia oo waayo waa Geopolitics, waxay Cidiinka Badda Ethiopia ka dagi doonaan Laasqorey waxaana saxiixi doona Dawladda Federaalka wax dhib ah maleh waayo Puntland may akhrin Geopolitics-ka

Aduunka hada wuxuu awooda saaray in Dawlada federaalka la xoojiyo waana wax fiican laakin hadana waa in reer Puntland la jaanqaadaan qorsheyaasha cusub oo ay la yimaad aragti ka weyn isku mashquulka iyo Siyaasadaha hoose oo ay la yimaadaan qorsheyaal furfuran .

Macnaha ugu weyn ee Qoraalkaygu waa in Puntland shacab iyo xukuumad-ba ogaadaan inla guuray.
Developed by Jago Desain