Maraykanka oo dilay hogaamiyaha Al-Qaacida ee gacanka Carbeed.

hogaamiyaha Al-Qaacida ee gacanka Carbeed.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidanka Maraykanka ay dileen hogaamiyaha Al-Qaacida ee gacanka Carbeed.
Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Qasim al-Raymi oo kooxdaas hogaaminayey tan iyo sanadkii 2015-ka lagu dilay hawlgal uu Maraykanka ka fuliyey gudaha dalka Yemen.
Ninkan la dilay ayaa lala xiriiriyey weeraro dhowr ah oo lagu qaaday danaha dalalka reer galbeedka labaatankii sano ee lasoo dhaafay.
Waxa uu xilka hogaaminta kooxda kala wareegay ninkii isaga ka horeeyay ee ay Maraykanka sidoo kale ku dileen duqeyn dhanka cirka ah.
Kooxdan ayaa la asaasay sanadkii 2009, waxaana ujeedkoodu ugu weyn ay ku sheegeen sidii ay uga hortagi lahaayeen danaha Maraykanka iyo dalalka reer galbeed ee gobolka.

Developed by Jago Desain