Maxaa Loo Xiray Weriye Soomane?

Maxaa Loo Xiray Weriye Soomane?

Booliska magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa xabsiga dhigey weriyihii gaarka ahaa ee Madaxweynaha Puntland Cumar Maxamed Soomane.
Xariga Soomane ayaa loo haystaa eedeymo la xiriira warar lid ku ah Puntland oo u diray warbaahinta Muqdisho.
Booliska magaalada Garowe ayaa sheegay in loo haysto Cumar Maxamed Soomane eedeymo la xiriira warar uu u direy warbaahin madax banaan.
Weriye Soomane ayaa shalay bartiisa Fecebook-ga soo dhigay qoraal uu ku sheegay in uu raaligalin ka bixinayo war uu u diray radio Kulmiye oo uu wakiil wareed u ahaa.
Cumar Maxamed Soomane ayaa dhowaan loo magacaabay weriyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland isagoo kahor ka mid ahaa weriyaasha ka howlgala taleefishinka Universal.
Developed by Jago Desain