Puntland: Baarlamanka oo guddi u saaray xaaladda jidadka burbursan

Puntland: Baarlamanka oo guddi u saaray xaaladda jidadka burbursan

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ahna kusimaha Gudoomiyaha Avv. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa maanta shir guddoomiyey Fadhiga 7-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada.

Ajandayaasha looga hadlay todobaadkan fadhiga guddiga joogda ah waxaa kamid ah Xog-waran guud oo uga warbixiyey guddiga joogtada ah kusima guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka 1aad Avv. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, kaas oo ku saabsan safar uu ku tagay magaalada Boosaaso, dhagaysiga warbixinta guddiyada Golaha iyo Xaaladda Amni ee dalka.

Guddiga joogtada ah ee golaha Wakiillada ayaa sidoo kale guddi u saaray xaalada jidadka isku xira magaaloyinka Puntland iyo ciidanka nabadgelyada wadooyinka ee (Taraafiko), oo ay cabasho ka keeneen shacabku.
Developed by Jago Desain